Adeegyada Agaasinka Waxbarashada
Gobolka Banaadir
Adeegyada kooban
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir wuxuu qabtaa adeegya kala duwan si uu u haqabtiro baahiyaha waxbarasho ee ka jiro Gobolka Banaadir.

Wareejinta Ardayda
Adeegga wareejinta ardayda wuxuu sahlayaa in ardayda si sahlan uga wareejistaan dugsiyada Gobolka Banaadir.

Shahaadada bixinta
adeegga shahaadda bixinta dugsiga hoose, wuxuu u sahlayaa ardayda dhameesatay dugsiga hoose inay ugudbaan dugsiga sare.

Hubinta Ardaynimada
Agaasinka waxbarashada ayaa u idman inuu bixiyo shahaadada hubinta ardaynimada, taas oo usahleysa ardayga inuu ku codsado Baasaboorka Soomaaliga.

Cadeynta Dhibcaha
warqadda cadeynta dhibcaha ardayda . Agaasinku waxa uu fududeeyaa warqadda cadeynta dhibcaha ardayda raba in ay wax ku bartaan dibadda ama Gobolada kale ee dalka. Warqadda Cadeynta dhibcaha waxay u sahleysaa ardayga rabo waxbarasho dibadda dhammaan fasallada 1 ilaa 12 iyagoo diiwaangelinaya dhammaan darajooyinkooda.

Tababarka Maamulaha
Maamulayaasha dugsiyada waa inay helaan tababar lagu qiimeynayo mas'uuliyadda ay u hayaan bulshada gaar ahaan dugsiyada ee maamulaan si ay usoo saaraan arday wanaagsan, sidoo kale hubinta maamulaha inuu leeyahay karti hogaamineed iyo akhlaaqda wanaagsan.

Tababarka Macalimiinta
Agaasinka waxaa ka go'an in sare loo aqaado tayada waxbarashada gobolka, si gaar ah macalimiinta loo siiyo tababar joogto ah oo kor loogu qaadayo aqoontooda macallinimo.

Latashiga bulshada
Agaasinka waxbarashada wuxuu waqti badan ku bixinayaa inuu la tashiyo la sameeyo daneeyayaasha Waxbarashada Gobolka Banaadir ee ugu horeeyaan waalidiinta, ururada bulshada ee waxbarashada ka shaqeeyo, maamulayaasha dugsiyada, macalimiinta iyo ardayda.

Baahinta Waxbarashada
Agaasinka Waxbarashada wuxuu dadaal badan ku bixnayaa inuu gaarsiyo adeeg waxbarasho oo tayadiisa sareyso dhamaan bulshada ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa, si gaar ah wuxuu mas'uuliyad uga saaran tahay inuu gaarsiyo waxbarasho dadka danyarta ah ee aan awoodin dugsiyada gaarka ah.

Bixinta Shatiga Dugsiyada
Dugsi aan ogolaasho shati ka haysanin Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir si loo ilaaliyo tayada waxbarashada iyo fayadhowrka goobaha waxbarashada waa in dugsiga ilaaliyaa nidaamka waxbarashada ee u dagsan Gobolka Banaadir.
Su'aalo & Jawaabo
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit. Ut elit tellus, luctus nec ullamcorper mattis, pulvinar dapibus leo.